Cadaado-Ayaamaha-Wararka Ka’imaanaya Magalaada Cadaado ee xarunta Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa sheegaya in saacadaha soo Socda Ay gaaraan Wafdi uu hogaaminayo Gudoomiye kuxigeenka 1-aad ee Aqalka sare ee Baarlamaanka federaalka.

Wafdigan ku wajahan magaalada Cadaado ayaa u badan Xildhibaanada kasoo jeeda magaaladaasi iyo qaar kale oo kamid ah Xildhibaanadii lagu soo doortay Cadaado kana soo jeeda deegaanada Galmudug.

U jeedka wafdigaan tagaya Magalada Cadaado ayaa waxa lagu sheegay xaalada siyaasadeed ee kusoo korortay deegaanada Galmudug, iyada oo Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu ku sugan yahay deegaanka Godinlabe oo u dhaxeeya  Magalaalooyinka  Cadaado & Dhuusamareeb.

Xubnaha wafdiga Xildhibaanada ah ayaa warar la helayo waxaa ay sheegayaan inay macquul tahay inay la kulmaan Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle xaaf oo shalay kasoo tegay Magalada Dhuusamareeb.

Xaalada Siyaasadeed ee Galmudug ayaa mudo 12 Saacadood gudaheed ah isku bedeshay in kastoo weli ay jirto Isfahan la’aan siyaasadeed ayaa hadana waxa la filayaa in la qabto doorashada Maamulka Galmudug,isla markaana ay qeyb weyn ku yeelato Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.