Maxamed C/llaahi  Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya  iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray dalka Burundi, waxaana garoonka dayuuradaha ee magaalada Bujumbuura uu ku soo dhaweeyay dhiggiisa dalkaas Pierre Nkurunziza.

Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa kulamo lagu lafo-gurayo adkaynta iyo  wada shaqaynta ka dhexaysa labada dal iyo sodookale danaha ay wadaagaan waxa ay la yeelan doonaan dhiggooda dalkas.

Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an dib u xoojinta xiriirka ay la leedahay dalalka Afrika, si ay isaga kaashadaan dhibaatooyinka iyo caqabadaha ay wadaagaan wadamada Africa, isuna weydaarsadaan khibradda muhiimka u ah horumarka iyo dowlad-dhiska.

Dalka Burundi waxay ka mid tahay waddamada dadaalada ku bixiya nabadaynta iyo xasilinta Dalka Soomaaliya, waxaana ciidankoodu ay  qayb ka yahay Ciidamada Nabad Ilaalinta AMISOM ee kusugan Soomaaliya.