Hargaysa-(Ayaamaha)-Magaalada Hargaysa ee Caasimada Maamulka Soomaaliland ayaa waxaa goordhow gaaray Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arimaha Dibadda ee dalka Eritrea  waxaana soo dhoweeyay Xubno katirsan Xukuumadda Soomaaliland.

Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici oo ah Madaxwayne ku xigeenka Somaliland iyo mas’uuliyiin kale ayaa garoonka diyaaradaha ee Magaalada Hargaysa ku soo dhaweeyay wafdigaan waxaana la filayaa in ay kulamo la qaataan Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi.

Ilaa iyo hadda lama Oga Ujeedka Socdaalka, waana markii ugu horreysay ee wafdi ka socda Eritrea ay soo gaaraan Soomaaliland muddo dheer kadib. Arintaan ayaa ka dambeysay is fahamka Soomaaliya iyo Dowladda Eritrea.