Muqdisho-Ayaamaha-Garoonka diyaaradaha Muqdisho waxaa goordhow laga fasaxay madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed oo goor hore garoonka lagu xanibay.

Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh oo ay wehliyaan xildhibaanno iyo mas’uuliyiin ka tirsan Madasha Xisbiyada Qaran ayaa u duulay kuna sii jeeda magaalada Beledweyne.

Masuuliyiinta garoonka Muqdisho ayaa labada Madaxweyne iyo xubnaha wafdiga Madasha Qaran waxay saaka markii ay garoonka tageen ku war-geliyeen inaysan diyaaraddooda ka duuli karin garoonka, ayada oo qiil looga dhigtay in garoonka Beledweyne ay biyo fadhiyaan.

Wada-hadal kadib ayaa wafdiga la fasaxay, waxaana ay hadda kusii jeedaan magaalada Beledweyne ee xaruunta Gobolka Hiiraan.