Gaalkacyo-Ayaamaha-Taliyaha qaybta 21-aad ee Ciidanka xoogga dalka  C/Casiis Cabdullaahi Cabdi “Qooje” ayaa gaarey deegaanka buq qalooc ee Gobolka mudug halkaasi oo dhowaan uu ka furmayo wajiga labaad ee shirka nabadeynta beelaha ku dagaalamay Bariga Mudug.

Qooje iyo wafdigiisa ayaa waxaa afaafka magaalada Ku soo dhoweeyay guud ahaan bulshada deegaanka sida odayaasha , haweenka iyo dhalinyarada oo dhamaantoodba kaga mahad celiyay dadaalka ay ku bixinayaan nabadeynta bulshada walaalaha ah iyo doorka ay ka qaadanayaan ammaanka gobolka.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa bulshada uga mahad celiyay sida ay wadajirka ula shaqeeyeen laamaha amaanka iyo soo dhoweyntooda isagoo tilmaamey in Al-Shabaab aysan is hor taagi Karin adeega shacabka soomaaliyeed ay u hayaan.

Dhowaan ayaa la filayaa in deegaanka buq qalooc ee Gobolka mudug uu ka furmo wajiga labaad shir lagu xalinaayo maleeshiyaadkii ku dagaalamay bariga Gobolka Muudg.