MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddiyada joogta ah ee labada aqal ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa go’aamiyay in shirrarka golaha dib loo furo lixda bisha soo socota ee Juun iyadoo ay horyaallaan qodobo xasaasiya oo ay kamid yihiin faahfaahinta qodobo ku jiray sharcigii doorashooyinka ee dhawaan la ansixiyay iyo sharciga axsaabta oo muhim u noqon doona in doorasho qof iyo cod ah ay Soomaaliya ka dhaqangasho dhamaadka sanadkan.

Kulamada Barlamaanka ayaa dib u dhacay sababo la xiriira Fayraska Korona oo Soomaaliya laga helay kiiskiisii ugu horeeyay bartamihii bishii Maarso ee sanadkan.

Shirarka soo socda ee golaha ayaa laga fikirayaa sidii loo qaban lahaa iyadoo la tixgalinayo talooyinka caafimaad ee lagu hakinayo faafitaanka cudurka COVID-19.