Waqtiga uu furmaayo shirka wadatashiga Qaran oo markale la shaaciyey

MUQDISHO-AYAAMAHA-Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa si rasmi ah uga furmaya Magaalada Muqdisho gaar ahaan xerada Afisyoone maalinta Sabtida 21-ka Agoosto, 2021.

Kulanka oo uu shir guddoomin doono R’iisul Wasaare Rooble waxa lagaga hadli doonaa diyaar garowga doorashooyinka Golaha Shacabka, diyaarinta habraacyada doorashooyinka, raadinta dhaqaalaha dhiman ee ku baxaya doorashooyinka iyo sidii horey loogu socon lahaa.

Madaxda maamul goboleeeyada ayaa inta badan ka maqan magaalada Muqdisho waxaana la filayaa inay dhawaan soo gaaraan.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed ayaa soo gaaray Muqdisho, isagoo ka qeybgalka shirka madasha wadatashiga qaran ee doorashooyinka dalka.