Xogag hoose oo ay heleyso Wakaalada Ayaamaha.com ayaa sheegaya in xiisad iyo muran xoogan uu ka dhex taagan yahay siyaasiyiin caan ah oo taageersan Nabad iyo Nolol iyo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Duqa Muqdisho Cabdi raxmaan Cumar Cismaan Yariisow

Ilo xog ogaal ah oo lagu kalsoon karo ayaa inoo sheegay in Siyaasiyiintan ay Warqad Dacwad ah ugudbiyeen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Kheyre iyagoo ka cabanaya arrimo badan oo ay kacabanayaa duqa moqdisho.

Siyaasiyiintan oo aan hada magacyadooda  dhawaan idin soo gudbin doono ayaa ashtako ah Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Eng Cabdi raxmaan Cumar Cismaan Yariisow.

Duqa Moqdisho Mr Yariisow ayaa joojiyay inuu xafiiskiisa ku qaabilo siyaasiyiintan, isagona kajaray lacag ay dowladu ka qaadan jireen siyaasiyiintan.

 

Masuul kamid ah kuwa Madaxtooyada Soomaaliya ayaa inoo xaqiijiyey in arintan uusoo fara galinayo Madaxweynaha Soomaaliya maadaama siyaasiyiintan ay dowlada tiir u yihiin isla markaana hadii ay kasoo horjeestaan ay sii fara badanayaan mucaaradka dowlada ku kacsan.