Xogtan aan helnay ayaa sheegaya in Dowlada Soomaaliya ay Warqad codsi ah u dirtay Urur Gobaleedka {IGAD} waxayna ka codsatay in gacan sedexaad ay soo fara galiso Khilaafka sii xumaanaya ee kala dhaxeeya Dowlada Soomaaliya iyo Kenya.

Go’aan kan Dowladda Soomaaliya Codsiga uga dirtay {IGAD} ayaa ka dambeysay kadib markii Dowlada Kenya ay ku hanjabtay in Cunaqabateyn ay saareyso Soomaaliya, waxaana Dowlada Federaalka ay dooneysaa inay iska fogeyso eedaymaha Kenya Usoo jeedisay.

Villa Soomaaliya ayaa Warqada ay u dirtay IGAD waxay ku sheegtay in Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin wada hadal iyo isfaham dhex mara Labada Dowladood ee deriska ah .

Dowladda Somalia ayaa dhankeeda sheegaty Hadalada ka imaanaya Dowladda Kenya ee aan muujineyn deris wanaaga in Soomaaliya ay ka bixin karto Jawaabo la mid ah hadii ay sii socdaan balse waxay wali rajo ka qabtaa Dowlada Soomaaliya in Urur Gobaleedka IGAD ay tabashooyinka jira Wada hadal ku dhameyn doonaan.

Si kastaba ha ahaatee waxaa laga dhursugayaa Go’aanka ay ka qaadan doono Urur Gobaleedka IGAD Warqada ay Dowlada Soomaaliya u dirtay oo arrimo badan lagu xusay.