Alah Unaxariiste Wasiirkii Dastuurka Soomaaliya Cabdi Raxmaan Xoosh Jibriil ayaa goordhow ku Geeriyooday Isbitaal ku yaala Magaalada Dubai ee Isutaga Imaaradka Carabta.

 

Marxuumka ayaa Dalka Dubai maalmahan u joogay Xanuun hayay,iyada oo halkaasi lagu daweynayay,hayeeshee markii dambe uu u geeriyooday xanuunkii.

Wasiir Xoosh Jibriil ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay dowladihii dalka soo maray,waxana uu hadda ahaa Wasiirka Dastuurka Dowladda Soomaaliya.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Wasiirkii Dastuurka Dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.