War DEG-DEG ah Cows wayne oo weerar lagu soo qaaday

MUQDISHO_AYAAMAHA– Ciidanka Qaranka iyo dadka deegaanka ayaa fashiliyay weerar ay saaka Khawaarijta ku soo qaadeen deegaanka Cowswayne oo dhawaan laga xoreeyay.

Ciidanka Qaranka oo hayay xogta hayay ayaa jilibka udhigay Alshabaab oo watay gawaari qaraxyo ku rakiban yihiin.

Dagaal ayaa wali ka socda nawaaxiga deegaanka.

Ciidamada Qaranka ayaa Alshabaab ah ka sifeeyay inta badan dhulka Galmudug iyo Hirshabeelle ,waxaana socda dhamaystirka hawlgalka.