WAR DEG DEG:- Dowladda Somalia oo Shaacisay in Ikraan Tahliil la dilay!

Maanta aya aheyd markii Idaacada VOA ay shaacisay in Ikraan Tahliil oo katirsaneyd Hay’adda Nabad sugida ay u gacan gashay kooxda ay Al-shabaab ayna fududeeyeen rag katirsan Hay’adda.

Hoos ka akhriso warka kasoo baxay dowladda.

Ujeeddo: Warbixin iyo Tacsi.

Ikraan Tahliil Faarax oo ahayd xubin ka tirsan Hay’adda Sirdoonka iyo
Nabadsugidda Qaranka ayaa warkeeda la waysanaa ilaa 26/6/2021.
HSNQ dabagal ay samaysay oo muddo socday kadib, ayaa lagu helay warbixin
muujinaysa in ay u gacan gashay Argagixisada arxan laawayaasha ah ee Al-Shabaab, kadibna ay dileen.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa gal-baariseedka kiiska Ikraan oo faah-faahsan ku wareejisay Hay’adaha ay khuseyso. Waxaa sidoo kale ay Hay’adda Sirdoonka Qaranku la wadaagtay warbixintan Qoyskeeda.
HSNQ ayaa uga tacsiyeynaysa qoyska, ehelada, iyo dhammaan xubnaha Hey’adda, falka foosha xun oo ay argagaxisada Alshabab ku dileen Marxuumad Shahiid Ikraan Tahliil. Ilaahay Ha u naxariisto.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa ku daba jirta dhagar qabayaashii geystay falkaas arxan darrada ah, sharciga ayaana la hor keeni doonaa Insha Allaah.
INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN.