War murtiyeed laga soo saaray Shirkii Afisiyooni oo lasoo gaba gabeeyey

MUQDISHO-AYAAMAHA- Waxaa goordhweyd War murtiyeed laga soo saaray Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo Muqdisho ka socday muddo labo maalmood ah, waxaana shirku dhexeeyay RW Roble iyo Madaxweynayaasha maamul Goboleeduyada dalka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaaadir Cumar Filish.

Qodobada waxaa ka mid ah in lagu dhisay guddiga Amniga doorashada oo Ra’iisul wasaare Rooble uu gudoomiye u yahay uuna ku jiro taliyaha booliska Federaalka iyo taliyeyaasha maamul goboleedyada.

Shirka oo laga soo saaray Qodobbo dhowr ah ayaa waxaa Madaxdu ay ku heshiiyeen Habraacyada doorashada, waxaana Habraacyada ay mas’uuliyiintu ku heshiiyeen ka mid ah:

Habraaca Dhiirigalinta Daahfurnaanta Doorashada
– Habraaca Maamulka Maaliyadda Doorashada
– Habraaca Xulista Ergada Doorashada
– Habraaca Amniga Doorashada
– Habraaca ilaalinta Qoondada Haweenka
– Habraaca doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Somaliland
– Hawlaha Lataliyayaasha Farsamo ee Golaha Wadatashiga Qaran.

Lacagaha ay dhiibayaan Musharaxiinta ayaa sidoo kale waxaa ay ku dhici doonto qasnada guddiga doorashada ee heer dowlad goboleed.

Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare ee Somaliland waxaa si wadajir u soo xulaya Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Mahdi Guuleed iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi, waxaana ka hubinaya Ra’iisul Wasaaraha.

Xildhibaannada Aqalka Sare ee Somaliland waxaa dooranaya 46 Xubnood oo ka kala socda 23 ka socda Odayaasha Dhaqanka Somaliland iyo 23 xubnood ka socda Qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ergada doorashada waxaa soo xuli doona Odayaasha dhaqanka iyo ururada bulshada rayidka ah.