Muqdisho-(Ayaamaha)-Waxaa soo geba-gaboobay,isla markaana Warmurtiyeed laga soo saarey shir ay Magalada Nairobi ee dalka Kenya ku yeesheen Xildhibaano ka tirsan labada Aqal, Xisbiyo iyo Siyaasiyiin mucaarad ku ah dowladda Federaalka Soomaaliya.

Warbaahinta ayaa la sheegay in loo diiday kulanka inay goob joog ka noqdaan,ayaa markii uu soo dhamaaday warbaahinta waxaa la hadlay oo ka warbixiyey Nuxurka wixii ay soo saareen C/nuur Sheekh Maxamed.

Waxa soo qaban qaabiyey Kulanka Axsaabta Siyaasadeed Ee Dawlada Soomaaliya Mucaaradsanaa iyo Xildhibaano uu ka mid yahay Prof. Maxamed Cabdi Gaandi.

Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada kulanka yeeshay waxay sheegeen inay ka xun yihiin Amniga ay dawlada ku fashilantay sida ay warka udhigeen,Caburinta Siyaasiyiinta,Mudnaantii uu lahaa Kulankii Amniga Qaranka oo Sanad aan la shirin iyo arimo kale.

Maqaamka Muqdisho oo La soo  bandhigin weli,Wada hadalkii Soomaaliland oo weli Dawlada Dhexe ka gaabineyso iyadoo Xurguf iyo colaad abuur ka dhex bilowday.

Waxay Ka qeyb galayaasha Shirkii Nairobi isku raaceen inay Caburinta Shacabka Muqdisho ay yihiin kuwo dhibanayaal ah oo Af iyo Adinba Dawlada Soomaaliya Qabatay.

Ka qeyb galayaasha la xusi karo ee Kulanka Xaadiray waxaa ka mid ah,C/raxmaan C/shakuur,Xildhibaanada C/qaadir Cosoble Cali iyo Axmed Macalin Fiqi,Siyaasi Maxamed Cali Nuur Ameeriko,Xildhibaan Gaandi iyo Aqoon yahano kale.