Muqdisho-Ayaamaha-Magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa xalay lagu dilay wiil lagu magacaabi jiray Abdirhman Abdulahi osman oo la sheegay in loo dilay gool uu dhaliyey darteed.

Falka dilka ah ee naxdiinta leh ayaa waxaa uu ka dhacay Degmadda dharkenley ee gobolka banaadir.

Askari ka tirsan Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ayaa dilay wiilkan dhalinyaro ahaa oo kubad ku ciyaarayay degmadda dharkeenley Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Goobjoogayaasha ayaa sheegay in wiilka loo dilay Gool uu dhaliyay waxaana arintaas ka xumaaday Wiil Ciyaartoyda kamid ahaa oo soo watay walaalkiis oo askari ahaa,waxaana lagu furey wiilka goolka dhaliyay rasaas,taasi oo keentay in isla goobta uu ku dhinto.