Muqdisho-(Ayaamaha)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo laga maqlay qaar kamid ah xaafadaha Muqdisho.

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxa ay sheegeen in qaraxa uu ahaa miino nooca dhulka lagu aaso,isla markaana lala eegtay Gaari marayay Nawaaxiga Xaafadda laba dhagax oo ka tirsan degmada Warta-nabadda,inkastoo aan la ogeyn waxa uu ahaa Gaarigaas iyo cida wadatay intaba.

Dad badan oo goobta ku sugnaa ayaa sheegay in qaraxa kadib ciidamada amaanka ay goobta baaritaano ka bilaabeen.

Digniino dhanka amaanka ah ayaa jiray saacadihii u dambeeyay, iyadoo aad loo hadal hayo gaadiid qaraxyo ah oo la sheegay inay Muqdisho soo galeen.

Tan iyo markii la weeraray xarunta wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha amaanka Muqdisho ayaa sii xumaanayay, iyadoo qaraxyo kale ay ka dhaceen Muqdisho.

Ciidamada gaartay goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa sheegay inay faahfaahin ka bixin doonaan khasaaraha qaraxa, balse dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in ugu yaraan labo ruux ay ku geeriyoodeen qaraxa.