Kooxo ku hubeesan biskoolado ayaa maanta Xaafada Kaawo Godey ee degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir ayaa waxay ku dileen nin la sheegay in xaafadas si weyn loogu yaqaano.

Magaciisa ninka la dilay ayaa lagu sheegay Abshir Muxudiin, waxa uuna ninkan halkaasi ku lahaa Maqaayad raashinka laga cuno sida ay sheegeen dadka deegaanka , waxaana dilka ninkaasi fuliyay rag aan heebtooda lagaran.

Dilka kadib ayaa Ciidamada booliiska gaareen halkas oo uu dilku ka dhacay, iyagoona baaritaano ka sameeyey halkii uu falka kadhcay , ayadoono ragii hubeesnaa ee dilka fuliyay ay goobta si deg deg ah uga baxsadeen.

Wali lama ogaan cida ka dambeesay dilka maanta loo geestay Ganacsadahan ku sugnaa xaafada Kaawo Godey, mana jirto ilaa hada cid ka hadashay ama sheegatay masuuliyada dilkaasi.

Degmada Dharkeenley ayaa kamid ah degmooyinka ugu amaanka xun magaalada Muqdisho, waxaana inta badan degmadaasi ka dhaca dilal qorsheesan oo loo geesto dadka shacabka ah iyo ciidanka.