Wararkii u dambeeyey dagaal caawa ka socoda Magaalada Beledweyne

BELEDWEYNE-AYAAMAHA-Waxa magaalada Baledweyne goordhaw ka bilowday dagaal xoogan, waxana xaafadaha magaalada laga maqlayaa rasaasta hubka nuucyadiisa kala duwan iyadoo ay kasoo baxayaan xoga kala duwan.

Dagaalka ayaa Kasocda aaga irid aamin ilaa Daraawiishta oo ah bartamaha Magaalada.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka u dhaxeyo ciidama uu hogaaminayo sargaal lagu magaabo Nuur Dheere oo ka mid ahaa saraakiishii hogaamineysay ciidamadii Badbaadada Hiiraan iyo ciidama kale.

inta Laxaqiijiyay 2 Qof oo Mid kamid ah uu ahaa Darwal Bajaaj Mid Kalana uu yahay Dhinacyadii dagaalamay ayaa Geeriyootay Halka Kudhawaad 6 Qof ay Kudhaawacmeen Dagaalka caawa Kasocda Xaafada Kooshin ee Magaalada Baladweyne.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay weerar ku qaadeen hoyga uu degan yahay sarkaalkan oo la sheegay in si weyn ugu soo horjeeda dhismaha maamulka Hirshabelle.

Nuur Dheere ayaa horay ugu mid ahaa saraakiishii hogaamineysay ciidamada la magac baxay Badbaadada Hiiraan oo magaalada Baledweyne ka hor istaagay safar xiligaas la qorsheynayay in magaalada u ku yimaado madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe.