Wararkii u dambeeyey Kulanka Muqdisho uga socdo Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh

Muqdisho-Ayaamaha-Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif sheikh Axmed iyo  Xassan Sheekh Maxamuud iyo oo ay wehliyaan Xildhibaan Faarah Sheekh Cabduqaadir iyo Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa  kulan waxaa uu uga socdaa hoyga uu Muqdisho ka degan yahay madaxweyne hore Shariif Sheikh Ahmed oo ah guddoomiyaha Golaha Midowga Musharixiinta.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda dalka iyo arimaha doorashooyinka oo dhowaan la filayo in Madaxdada Dowladda, dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ay shir ka yeeshaan.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa la sheegay in mas’uuliyiinta uga hadlayaa siduu Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble loogala Shaqeyn lahaa sidii uu u dardar gelin lahaa howlaha doorashooyinka ee loo xilsaaray.

Xubnaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha ayaa kal hore sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaasriinta Maxamed Xuseen Rooble in looga baahan yahay in uu qaato mas’uuliyada Arrimaha doorashooyinka ee lagu wareejiyay, isla markaana sida ay tahay uu uga soo baxo.