JOWHAR-AYAAMAHA-Wararka aan ka helayno degmada cadale ee Gobolka Shabeelalha dhexe ayaa sheegaya in Macalimiin  dugsi qur’aan lagu dilay degmadaas, waxaana dilka fuliyay sida la sheegay koox hubeysan oo aan haybtooda la garanayn.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in macalimiinta la dilay xilli ay subac ku jireen, waxaaana tirada Macalimiinta la laayay ay gaaraysaa shan macalin dugsi qur’aan, sida la sheegay ay dileen dabley hubeysan oo aan la garanayn.

Dadka la dilay ayaa Waxaa ka mid ah sida wararku sheegyaan laba macalin oo walaalo ah, oo lagu kala magacaabo Sheekh Daahir Xasan Cali iyo Ow Maxamuud Xasan Cali.

Majirto cid ilaa iyo hadda loo aaneynayo inay ka dambeeysay falkaasi iyo sababta ay u dileen Macalimiinta Subaca ku jiray, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in loo dilay sababo la xirira aanooyin qabiil.

Macalimiinta la dilay ayaa lagu kala magacabi jiray:

1) Sheekh Daahir Xasan Cali

2) Macalim Maxamuud Canbuure

3) Macalim Maxamed Xuseen Axmed Caddaawe

4) Macalim Mukhtaar C/laahi Cilmi, iyo

5) Ow Muxumud Xasan Calli.