BAYDHABO-AYAAMAHA-Qarax xoogan ayaa lagu soo waramayaa inuu goordhow ka dhacay magalada Baydhabo ee Xaruunta Kumeel Gaarka ah ee Koonfur Galbeed.

Qaraxa ayaa lagu warramayaa inuu ka dhacay xero ay degan yihiin dad barakacayaal ah oo ku taalla waqooyiga magaalada, halkaasi oo xilliga qaraxa uu dhacayey ay ka socdeen cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka oo loogu dalbaal-degayey munaasabadda ciidda.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa xaqiijiyey in ugu yaraan afar qof ay ku dhinteen qaraxa, islamarkaana dad gaaraya illaa iyo 15 ay ku dhaawacmeen, inta la xaqiijiyey illaa iyo hadda.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawaca ah ayaa intooda badan ah barakacayaashii ku noolaa xerada, waxaana dhimashada ku jira laba caruur ah.

Goobta qaraxa ayaa waxaa hadda ku sugan mas’uuliyiinta iyo ciidamada maamulka Koonfur Galbeed.