Wararkii u dambeeyey Toogasho ka dhexdhacday Saldhigga magaalada Dhuusomareeb

MUQDISHO-AYAAMAHA-Magaalada Dhuusomareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug ayaa gudaha saldhiga magaaladaasi waxaa ka dhacay dil loo geestay askari katirsanaa ciidanka booliiska.

Sida aan wararka ku helnay askariga la dilay oo lagu magacaabayay Cumar Cabduqaadir Jaamac waxaa dilkiisa fuliyay askari kale oo isna katirsanaa ciidanka booliiska oo magaciisa lagu sheegay Cabdiqani Naasir Doceey.

Labada askari ayaa la sheegay in uu dhax maray muran xoogan oo ugu dambeyn sababay in la dilo Cumar, waxaana goobta si deg deg ah uga baxsaday askariga booliiska ee dilka ku dhax geestay gudaha saldhiga Dhuusomareeb.

Ciidamada booliiska ee ka howlaga magaalada Dhuusomareeb ayaa wada howlgalo ay ku baadi goobayaan askariga dilka geestay, mana jiro wax war ah oo booliiska iyo maamulka magaalada kasoo saareen dilkan.