KISMAAYO-AYAAMAHA-Faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa weerar loo adeegsaday Bam Gacmeed oo xalay fiidkii hore ee ka dhacay Suuq ku yaalla Bartamaha Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose .

Dad ku sugan Kismaayo ayaa waxaa ay sheegeen in Bam Gacmeedkaas lagu tuuray Suuqa Golole ayna xiligaas ku sugnaayeen dad shacab ah, isla markaana dadka uu soo gaaray Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

10 qof ayaa ku dhaacwan tay halka Hal qofna uu ku geeriyooday

Dhaawaca ayaa isugu jira dad Ganacsato ah iyo dad kale, waxaana durbo la geeyay Isbitaalka weyn ee Kismaayo , iyagoo haatan xaaladood Caafimaad la dabiibayo.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in xiliga weerarkaas uu ka dhacayay Suuqa Golole ay ka Agdhawaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa amniga Maamulka Jubbaland, iyagoo Jugta Bambada kadib furay rasaas farabadan oo aan la ogeyn Khasaaraha ka dhashay.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Jubbaland oo ay uga hadlayaan weerarkaas geystay Khasaaraha eek a dhacay Magaalada Kismaayo, iyadoo ay xusid mudan tahay in dadkii fuliyay weerarkaas goobta ay ka baxsadeen.