Rag katirsan kooxda Al-shabaab oo aad u hubeysan ayaa hadda ku jira, islamarkaana toos ugu dhex dagaalamaya gudaha Hotel Maka Al Mukarama, sida ay sheegayaan wararka nasoo gaaray.

Qaraxyo iyo bambooyinka gacanta laga tuuro  ayaa laga dhex maqlayaa gudaha Hoteelka Maka Al-Mukarama, Rasaas xoogan ayaa dhaceeysa gudaha hoteelka.

Hey’adaha Amniga wali war rasmi ah kama soo bixin balse ciidanka gaar ah ayaa goobta ku sugan iyo masuuliyiin ka titsan dowlada Soomaaliya.

Saraaakiisha ammaanka iyo kooxaha gurmadka degdeg ah xaqiijiyay in dhimashada ay hadda mareyso ugu yaraan 15 qof, halka dhaawaca uu yahay 40 qof.