Balcad-(Ayaamaha)-Wararka naga soo gaaraya Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in xaalada degmadaas saakay tahay mid degan,kadib markii xalay Al-shabaab ay la wareegeen qeybo kamid ah Degmada Balad.

Al-shabaab ayaa xalay weerar xoogan ku soo qaadeen Balcad,waxaana weerarka kadib xigay dagaal dhexmaray iyaga iyo Ciidamada dowladda Soomaaliya,kaasi oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dadka deegan Degmada Balcad ayaa waxa ay sheegen in Al-shabaab saacado kooban ay ku sugnaayeen gudaha degmada,isla markaana ay la wareegeen Saldhiga iyo Xarunta maamulka,iyagoona halkaas kasii daayay Maxaabiis ku xirneyd.

Dhowr Saacadood kadib Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa dib ula wareegay gacanta ku heynta degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe,waxaana xaalada guud ee halkaasi saakay ay tahay mid degan.

Lama oga Khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkii Xalay ka dhacay degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.