Qarax ayaa goordhaw ka dhacay degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho, qaraxa ayaa lala beegsaday agagaarka xarunta Muqdisho Mall.

Saraakiisha caafimaadka ayaa xaqiiiyay in 6 qof ay ku dhinteen qaraxa halka 4 qof kalena ay ku dhawaacmeen weerarka.

Qaraxa ayaa loo adeegsaday baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa cirka isku shareeyay qiiq iyo uuro madow