Wararkii ugu dambeeyay Al-Shabaab oo dagaal kula wareegtay degmada Balcad.

JOWHAR-AYAAMAHA-Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waaberigii hore ee saaka waxaa ay dagaal ku galeen degmada Balcad oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, Muqdishana dhanka Waqooyiga uga beegan 35km halkaas oo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka amar qaata Maamulka degmadaas.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in dagaal muddo kooban socday kadib ay Al-Shabaab la wareegeen Xaafadaha ay ka kooban tahay degmada Balcad, sida, Waaberi Star, Halgan, Horseed, Waaberi Irdoole iyo sidoo kale Farisiinka ay ku sugnaayeen Ciidamada Maamulka ee Koontoroolka Buundada degmada Balcad.

Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda qadka internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegtay inay dagaal kula wareegeen gacan ku heynta degmada Balcad, kadib markii Ciidanka dowladda ee joogay ay dib uga gurteen Magaaladaas.

Xubno ka tirsan Al-shabaab ayaa gudaha u galay oo la wareegay Saldhiga degmada iyo Xarumo kale oo uu ku shaqeynayey Maamulka degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Maamulka Hirshabeelle, sida ay sheegeen dadka deegaanka qaarkood.

Majiro khasaaro dhimasho ah oo la sheegay in uu ka dhashay dagaalka, waxaana wararkii ugu dambeeyay ee na soo gaaray ay sheegayan in Al-Shabaab ay isaga baxeen degmada Balcad, isla markaana ay dib ugu soo laabteen Ciidamada Maamulka degmada oo markii hore aaday dhinaca Xaafada Xaawa Taako.

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa marar kala duwan oo horey sidaan oo kale dagaalo ku qabsaday degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, wallow ay dib uga baxeen markii dambe, waxaana dagaaladaas ka dhashay khasaaro dhimasho iyo