Wararkii uga dambeeyey ayaa wxay sheegayaan in Tiro Madaafiic Hoobiyeyaal ah ku dhacday Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya, oo ay degan yihiin Madaxda dowladda iyo qaar ka mid ah Hey’adaha dowladda.

Dhawaqa madaafiicda ayaa laga maqlay Xaafadaha ku hareeraysan Madaxtooyadda Villa Somaliya, halkaasi oo qaarkood hoobiyeyaasha ay ku dhaceen.

Waraku waxaa ay sheegayaan in 5 Hoobiye ay ku soo dhacay Madaxtooyadda Soomaaliya iyo hareeraheeda, waxaana ay saameeyeen qaar ka mid ah xafiisyada madaxda iyo wasaaradaha.

Mid ka mid ah Hoobiyeyaashii Ku dhacay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Bur buriyey Xafiis uu leeyahay Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye).

Wasiirka Ganacsiga Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa lasoo sheegayaa in uu ka maqnaa xilligaasi taas oo la leeyahay bur bur ayuu soo gaarsiiyey.

Sawirro lasoo qaaday waxaa la arkayey Darbiga oo shub ahaa islamarkaana uu Hoobiyaha soo gudbay Xafiiskana uu dhibaato gaarsiiyey.

Faah faahino badan ayaan laga heynin weerarkaasi Khasaaraha dhabta ah uu geystay Ee hoobiyeyaasha lagu tuuray Duhurnimadii Madaxtooyada Soomaaliya.