GAALKACYO-AYAAMAHA-Faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo xalay iyo saakay ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, kaasi oo u dhexeeyay Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland iyo rag hubeysan oo Maleeshiyaad is uruursaday ah.

Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii Ciidanka Puntland ay weerar ku qadaeen fariisimo Maleeshiyaadka hubeysan ay ku leeyihiin agagaarka Cagaarweyne ee Xaafadda Garsoor ee Gaalkacyo, waxaana halkaas ka dhacay dagaal xalay ilaa iyo saakay.

Maleeshiyaadka la weeraray ayaa la sheegay in ay yihiin dad is uruursaday oo ilaalio u ah rag ka gancsada Maandooriyaha Qamriga, waxaana dadka xalay ay maqlayeen jugta rasaas xoogan oo la is weedaar saday.

Wararka ayaa sheegaya in khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay ka dhasheen dagaalkii ka dhacay Gaalkacyo, waxaana la xaqiijiyay inay geeriyoodeen Afar ruux oo dhinyacyada ah, halka dad kalena ay ku dhaawacmeen.

Ciidamada Puntland ayaa la sheegaya in ay la wareegeen Xaruntii ugu weyneyd ee Dadka Maandiiriyaha qamriga ka ganacsadaa ku lahaayeen Magaalada Gaalkacyo,  waxaana haatan degan xaaladda Magaalada.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka Puntland oo ay uga hadlayaan dagaalkii xalay iyo saakay ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.