Muqdisho-(Ayaamaha)-Waxaa dhaq dhaqaaqyo ciidan ka socda deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, kaddib markii labadii maalmood ee la soo dhaafay ay Ciidamada Xoogga dalka ay la wareegeen tuulooyin hoos taga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa sida gaarka u tababaran ee loo yaqaano Danab ayaa howlgallo qorsheysan ka wada tuulooyin hoos-taga Afgooye oo ay gacanta ku hayeen Al-Shabaab.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ay la wareegeen tuulooyinka Sabiib, Caanoole iyo Baladul Amiin oo ahaa deegaano Al-Shabaab ka talinayeen oo lacagaha canshuuraha ku qaadaan.

Wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayan in intii howlgalada socdeen ay dhaceen duqeyn cirka ah oo diyaarado dagaal ka fuliyeen, inkastoo aan la ogeyn khasaare rasmi ah oo ka dhashay.

Inta badan Deegaanada Ciidamada dowladda la wareegeen ayaa dhowr jeer oo hore ay ka soo baxeen Ciidamada, waxaana la ogeyn in ciidamada ay sii joogi doonaan iyo in kale.