Qoryooleey-(Ayaamaha)-Warar dheeraad ayaa kasoo baxaya weerar Al Shabaab ku qaadeen degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana weerarka ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii ururka Al Shabaab ay weerar ku qaaday fariisin ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku lahaayeen degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Masuul u hadlay degmada Qoryooleey ayaa sheegay in dagaalka ay Al Shabaab kaga dileen seddex xubnood, islamarkaana dhankooda Khasaaro aan badneyn uu kasoo gaaray dagaalka.

Maxamed Cabdi Cabdullaahi oo ah Guddoomiye ku xigeenka degmada Qoryooleey ayaa sheegay in weerarka uu ahaa mid xoogan oo Al Shabaab ku qaadeen degmada, balse ciidamada dowladda ay iska difaaceen.

Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka ayaa Sheegay in ciidamada dowlada ay isaga filan yihiin weerarada ku laalaabay degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaasi oo kaga imaanaya Al Shabaab.