Muqdisho-Ayaamaha-Saacaddihii ugu dambeeyay waxaa xoogeystay ololaha Mooshin laga waddo Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Ololaha Mooshinka laga diyaarinaayo Gudoomiye Muudey ayaa si weyn u xoogeystay , waxaana socda kulamo Madaxtooyadda ay ku leeyihiin xildhibaanada Mooshinka wadda.

Xog gaar ah ee ay heshay Ayaamaha.com ayaa sheegaysa in guuxa Mooshinka uu soo bilowday tan iyo markii  Golaha Shacabka la horkeenay sharciga doorashooyinka dalka ee golaha wasiirada ay soo ansixiyeen, kaasi oo Muudey la sheegay inuu kasoo horjeedo.

Ololaha Mooshinkaan ayaa si xowli ah ku socda, waxaana la sheegay in aan wali si rasmi ah loogu dhawaaqin meelmarintiisa, islamarkaana wali ay socdaan tashiyo ay waddaan xildhibaanada Ololaha Mooshinka wadda iyo Mas’uuliyiin daba ka riixaysa.

Gudoomiye Muudey ayaa sharcigan u arko mid si cad u xaqiijinaya in madaxweyne Farmaajo mar kale lasoo doorto, taasi oo sida laga soo xigtay dad ku dhow, uu arko arrin dastuur ku tumasho ah.

Muudey ayaa lagu waddaa in uu si deg deg ah dalka ugu soo laabto si uu dhankiisa u bilaabo is difaacida, maadaama laga waddo Mooshin aan wali soo shaacbixin.

Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa haataan ku maqan dalka Turkiga, iyadoo la rumeysan yahay inuu xilligan awood ku leeyahay Baarlamaanka, waxaana la xusuustaa doorkii uu ku lahaa ridistii Guddoomiye Jawaari.

Wixii warar ah ee kusoo kordha kala soco Ayaamaha.com