Muqdisho-(Ayaamaha)-Saraakiil ka tirsan Hay’addaha Ammaanka ayaa xaqiijiyeen gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo la sheegay in uu ahaa Nooca raaxadda ayaa ku qarxay Albaabka hore ee laga galo dugsiga General Kaahiye oo ku yaalla degmada Xamar Jajab.

Qaraxu Goobta uu ka dhacay ayaa ah Wadada ku beegan Al-baabka ee horta marta dugsiga Jeneraal Kaahiye.

Waxaa wali si rasmi ah u kala caddaan in gaariga uu ahaa Mid socday ama Mid lasoo dhigay Iridda dugsiga.

Goobta qaraxa ka dhacay ayaa ah meel si weyn loo adkeeyo Ammaankeeda, waxaana inta badan mara Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya.

Waxaa jira Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawaca oo Qaraxaasi ka dhashay sidda ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.