Wararkii Ugu Dambeeyay Shirka La Filayo Inuu Maanta Muqdisho Ka Furmo

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in shirkii loo ballansanaa in uu maanta Muqdisho ka furmo uusan qorshihiisa waxba iska badalin islamarka uu ku dhici doono waqtigii loogu talagalay.

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macallimu ayaa sheegay in qaar ka mid ah wufuudda ka qeyb galaysa shirka ay mar hore Muqdisho soo gaareen.

“Insha allah haddii uu eebe idmo maanta wuu furmayaa shirka 20 May lagu ballamay, maqribadii waxaa yimid madaxwaynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay,” ayuu yiri Mr Maclimu.

Afhayeenka xukuumadda ayaa sidoo kale sheegay in maanta galinka hore ay filayaan in Muqdisho ay soo gaaraan madaxda kale ee shirka ka qeybgalaysa.

“Sidoo kale galinka hore ee saaka waxaa la filayaa inay magaalada yimaadaan madaxwaynayaasha Jubaland, Koonfur Galbeed soomaaliya iyo madaxwayne Saciid Cabdulahi Dani,”ayuu intaa ku daray.