Wararkii uga dambeeyey ee ka imaanaya degmada Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay uu halkaasi weerar ka dhacay kaasoo gaystay khasaaro lala eegtay Saldhig ciidamada Alshabaab ay ku leeyihiin Degmada Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose .

Xiliga weerarka uu dhacay ayey aheed xalay saqdii dhexe taaso ka dambeeyay kadib markii ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda federaalka ay weerar ku qaadeen deegaanka waxaana xigay duqeyn dhanka cirka ah oo ka dhacday deegaankas.

Alshabaab ayaa sheegtay inay iska caabiyeen weerar kaga yimid ciidamada ajaaniibta ah islamarkaana ay hada ayaga gacanta ku hayaan degmada Janaale.

Weerarka waxaa ka horeeyay duqeyn xagga cirka ah iyadoo kadib weerar dhanka dhulka ah lagu qaaday degmada Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose .
Wararka ayaa sheegaya in weerarka uu geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac soo gaaray xubnaha Alshabaab ee kusugnaa saldhiga degmada Janaale.

Ilaa iyo hada Majiro wax war rasmi ah oo kasoo baxay dhanka dowladda Soomaaliya iyo taliska Mareykanka ee Africa kaasi oo ay kaga hadlayaan weerarkii xalay ka dhacay degmada Janaale.

Todobaadyadii ugu dambeeyay ayaa waxaa kordhay weerarada xaga cirka ah ee kaga imaanayay Alshabaab dhanka Diyaaradaha Drone ee Mareykanka, Waxaana weerarkii xalay la sheegayaa inuu ahaa midkii ugu xooganaa oo ka dhaca Shabeelaha Hoose.