Kismaayo-Ayaamaha-Qaban qaabadii ugu dambeysay ee munaasabadda caleema saarka, Axmed Madoobe ayaa saaka ka socota magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, taas oo la filayo inay dhacdo saacadaha soo socda ee maanta.

Ciidanka Jubbaland ayaa si weyn u adkeeyay Ammaanka Magaalada Kismaayo, waxaana Xaafaddaha kala duwan ee Kismaayo ka socda howlgallo lagu xaqiijinaayo Ammaanka.

Waxaa lagu waddaa in ay ka qeyb galaan Xafladda Caleema saarka siyaasiyiin, Xildhibaano ka tirsan Labada Gole iyo marti sharaf kale.

Xafladaan caleema saarka ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galaya wafdi ka socda Jabuuti, Kenya, Itoobiya iyo Somaliland, sida uu shaaciyey wasiirka warfaafinta Jubbaland.

Dowladda Federaalka oo si weyn uga soo horjeeda doorashadii dib loogu doortay Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa xalay ku dhawaaqday in markale ay xayiraad ku soo rogtay diyaaradaha tooska ah ee ka dagaya garoonka diyaarada magaalada Kismaayo.