Jarati-(Ayaamaha)-Wararka ka imaanaya dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Maamulka Soomaalida Itoobiya uu dil u geestay labo ruux oo kunoolaa degmada Jarati oo laga soo doortay.

Xildhibaankan ayaa labada ruux wuxuu ku dilay deegaanka Jarati ee Ismaamulka Somalida dalka Itoobiya, sida uu xaqiijiyay Gudoomiyaha Degmada Shaafi Diiriye Shaafi.

Labada ruux ee Xildhibaanka uu dilay, ayaa waxaa kala dhaxeysay muran ku saabsan dacwad dhul beereed oo kala dhaxeysay.

Dacwadda la xiriirta Kiiskaan ayaa waxa ay taallaa maxkamadda Jarati, si Xildhibaanka falkaan ku eedeysan sharciga loo marsiiyo.

“Xukuumaddii hore ayaa xildhibaannada siisay dhul beereed iyo lacago, dhulkaas qayb ka mid ahna xukuumaddu waxay ka bixisay gacanta dad shacab ah,” ayuu yiri gudoomiye Shaafi.

Dadkii lahaa dhulalkii xooga looga qaaday ayaa la sheegay markii uu meesha ka baxay Maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar in ay bilaabeen dacwado ay kusoo ceshanayaan dhulkii xooga looga qaatay.

Sidookale Xildhibaankan ayaa la sheegay in uu haystay biskoolad iyo qori u sharciyaysnaa.

Dhibaatada dhulka ayaa ka taagan meelo badan oo ka mid ah Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya balse waxaa naadir ah in xilbaan uu dad u laayo dhul ay isku qabsadeen.