Muqdisho-Ayaamaha-Qaar kamid ah Gaadiidleyda BL-ka ee ka shaqeysa Waddooyinka ku yaalla Caasimadda Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay dhigayaa Banaan bax ku aadan xirnaashaha wadooyinka iyo lacago dheeraad ah oo lagu soo kordhiyey.

Gaadiidleyda ayaa tilmaamay inay cabasho u gudbiyeen Maamulka Gobolka Banaadir iyo Taliska Ciidanka Booliska, hayeeshee arrintaas aysan wax Jawaabin ah ka helin.

Waxa ay sheegeen in aysan awoodin in ay bixiyaan lacagaha lagu soo rogay balse ay diyaar u yihiin in ay bixiyaan canshuurta hadii wadooyinka loo furo.

Gaadiidleyda ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen lacagta lagu soo rogay oo ah 2 doollar taas oo markii hore laga qaadi jiray balse laga joojiyay markii wadooyinka la xeray balse hadda, iyada oo aan lafurin wadooyinka dib loogu soo celiyay

Banaanbaxan ayaa sigaar ah uga socda Isgoysyada Afarta Darjiin, Fagax iyo Towfiiq, waxaana dad Goobjoogayaal ah ay sheegeen in gaadiidleyda ay yihiin kuwo aad u careysan.