Kismaayo-Ayaamaha-Magaalada Kismaayo ee Xarunta Maamul Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ay sheegayan in saakay Xarun ganacsi oo ku taalla halkaas uu dab ka kacay.

Dabkan oo dhashay Koronto ku jirtay goobta ganacsi ayaa waxaa soo gaaray Ciidamada gurmadka deg deg ah ee Dab-damiska Jubbaland oo lagu war geliyey dabka.

Goobta uu dabka ka kacay ayaa waxaa soo gaaray gaadiidka gurmadka deg deg ah ee Dab-demiska maamulka Jubbaland,kuwaasi muddo kooban ku guuleystay inay demiyaan dabka oo aan gaarin goobihii kale ee ganacsi.

Ciidamada Dab-damiska ayaa ku guuleystay in ay damiyaan dab saaka waaberigii ka kacay xarun ganacsi oo ku taalla Isgoyska Aargo ee bartamaha magaaladas.

Ilaa iyo Ma jiraan wax khasaaro nafeed ah oo ka dhashay dabkaan inkastoo hanti aan cadadeeda la ogeyn uu malafsaday. waxaana la arkayay ilaa 4 gaadiidka dab damiska ah oo ku sugan goobta.