Wararkii ugu dambeeyey dagaal ka dhacay laas-caanood iyo xaalada oo kascsan

MUQDISHO-AYAAMAHA-Magaalada laas-caanood ee xarunta Gobolka Sool ayaa weli waxaa ka jirto xaalad kacsanaan ah halkaas oo muddo toban cisho ah ay ka socdaan bannaanbaxyo rabshado wata.

Saqdii dhexe ee xalay waxaa dagaal xoogan u ka dhacay Magaalada laas-Caanood, kadib markii maleeshiyaad degaanka ay weerareen Saldhig Ciidamada Booliska & Millateriga Somaliland ku leeyihiin Xaafada Durdur ee Magaalada laas-caanood.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Magaalada laas-Canod ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladda weli ay taha mid kacsan, isla markaana ay xiran yihiin Goobaha Ganacsiga iyo waxbarashada.

Dagaalka ayaa waxaa ku dhaawacmay saddex Ruux oo Shacab ah, kuwaas oo la geeyay Isbitaalka magaalada laas-caanood.

Dhanka kale masuuliyiin ka socda Xukuumadda Somaliland ayaa la filayaa in saacadaha soo socda aygaaraan Magaalada laas-Caanood si ay xal ugu raadiyaan dhibaatada ka taagan Magaalada taas oo socotay maalmihii la soo dhaafay.