Wanlaweyn-Ayaamaha-Warar goor dhow na soo gaaray ayaa waxaa uu sheegayaa in dagaal ayaa saaka qarxay degmada Wanle-weyn ee gobolka Sh/hoose kaasoo u dhexeeyo labo maleeshiyo beeleed.

Wararku waxaa ay sheegayaan in Dagaalka uu ka socdo gudaha iyo hareeraha degmadaas, iyadoo la isku adeegsanayo rasaas xoogan iyo hub kale oo daryankooda laga maqlayo meelo ka durugsan degmadaas.

Ganacsiga degmada Wanle weyn iyo socodkii dadka iyo gaadiidka ayaa gebi ahaanba xiran,waxaana dadka degmadaas qaarkood la sheegay iney bilaabeen barakac, iyagoo ka cabsi qaba inuu saameeyo dagaalka, maadaama ay ka soo jeedaan beelaha dagaalamaya.

lamana oga weli waxa uu dagaalkan salka ku hayo iyo khasaaraha soo gaaray shacabka lagu dul-dagaalamayo iyo dhinacyada halkaas isku haya.

Xaalada degmada Wanle-weyn ayaana ah mid cakiran, maamulka degmadaas iyo kan gobolka Sh/hoose ayaana illaa hadda ka hadlin dagaalkan.