AFgooye-Ayaamaha-Wararka naga soo gaaraya Deegaanka Bariire ayaa waxaa u sheegayan in saaka aroortii hore uu dagaal ka qarxay deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalka oo ah mid xoogan ayaa waxuu u dhexeeyaa Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Dagaalka ayaa yimid, ka gadaal markii dagaalyahanno hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen deegaankaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa xaqiijiyay in dagaalyahannadu ay beegsadeen fariisimo ciidamada Milatariga Soomaaliya ay ku leeyihiin halkaasi.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerarkaasi iyo dagaaka haatan socda inkastoo aan la cadeyn inta uu la’egyahay.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, mana jiro weli wax war ah oo ka soo baxay labada dhinaca ee diririya.

Qiyaas ahaa Deegaanka Bariire ayaa 65 KM Koonfur Galbeed ka xiga magaalada Caasimada ee Muqdisho waxaana dhawaan la wareegay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.