Muqdisho-Ayaamaha-Dagaal Xoogan ayaa maanta waxaa uu ka dhacay deegaanka goof Guduud ee Gobolka Bay waxaana uu dhexmaray Ciidamada Dawlada Soomaaliya iyo dagaalyahano katirsan Al Shabaab.

Dagaalyahanada Al Shabaab ayaa waxaa ay  sheegeen in 11 Askari ay ku dileen Dagaalkaasi oo katirsanaa Ciidamadii kusugnaa saldhiga ay Saaka Aroortii beegsadeen.

Al-Shabaab ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalkaasi ku dileen Macallim Dhaayoow oo ahaa Taliye kuxigeenkii Saldhiga Deegaanka Goofguduud ee Gobolka Bay.

Saacado kadib Ciidamada Dawlada iyo Kuwa koonfur Galbeed ayaa la sheegay inay dib uqabsadeen deegaankaasi oo Shabaab laga saaray.

Dhanka kale Ciidamo Ka baxay magaalada  Baydhabo ayaa Qarax loo dhigay xilli ay gurmad ahaayeen,oo gaari ay la socdeen la sheegay inay Miino la kacday.

Sidoo kale waxaa adag in khasaaraha dhabta ah la ogaado maadaama isgaarsiintii Deegaanka ay go’day,islamarkaana ay dadka reer miyiga ah aysan xogo bixin karin.

Deegaanka Goof guduud Ee Gobolka Bay ayaa hadda Xaaladeeda deggan tahay.