Mandheera-(Ayaamaha)-Wararka naga soo gaaraya degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya ayaa sheegaya in Al Shabaab ay halkaasi kasoo afduubteen dhaqaatiir Ajaaniib ah.

Labadan dhakhtar ayaa la sheeay inay Al Shabaab ka afduubteen magaalada Mandheera, waxaana la sheegay inay lasoo aadeen dhanka dalka Sooamaaliya, sida warbaahinta Kenya ay baahisay.

Waxaa lagu soo warramayaa in Ilaaladooda la dilay ka dib markii ay weerar ku soo qaadeen dabley hubeysan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dhakhaatiirta la afduubtay loo tallaabiyay dhanka Soomaalya, mana jirto cid sheegatay masuuliyadda afduubka balse waxaa looga shakisan yahay iney ka dambeeyeen kooxda Al-shabaab.

Booliska Kenya ayaa wada howlgalo balaaran oo lagu baadi goobayo dhaqaatiirta la afduubtay kaasoo ka socda degaanada ku teedsan xadka Somalia iyo Kenya.

Dhaqaatiirta ayaa waxay kasoo jeedaan dalka Cuba, waxaana ay qeyb ka ahaayeen Mashruuca buuxinta booska ay baneeyeen dhaqaatiir badan oo shaqo joojin sameeyay.