Muqdisho-Ayaamaha-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaa suuqa weyn ee bakaaraha.

wararku waxaa ay sheegayaan in rag ku hubeysnaa Bustoolado ay goordhow Gudaha Suuqa bakaaraha ay ku dileen Nin oday ah, iyaga oo dilka kadib gooobta ka baxsaday.

Dilka ayaa waxaa uu ka dhacay Suuqa Bakaaraha gaar ahaan meel u dhow Suuqa Daawadda.

Wararku waxaana ay sheegayaan in ninka Oday ah ee la dilay uu ka mid ahaa Dalaaleyda Dulalka iyo Guryaha ee Magaalada Muqdisho.

Waxaan weli si rasmi ah loo ogeyn sababta loo dilay Odayga  iyo dadka ka dambeeyay dilkiisa.

Waxaana goobta uu dilka ka dhacay gaaray oo haatan howlgallo ka wada Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya.