Wararkii ugu dambeeyey gabar arooskeeda geeri isku bedeshay Magaalada Hargeysa.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Bulshada Soomaaliyeed waxaa maanta quluubtooda aad u gilgilay war naxdin leh oo ku saabsan gabar arooskeeda la filayay inuu dhaco maanta oo geeri lama filaan ah ku timid.

Dadka isticmaala baraha bulshada ayaa tan iyo saaka si weyn u hadal haya dhacdadan, waxaana farxaddii aroska mar qura baddashay tacsida.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa socday qaban qaabada guurka Faadumo Ismaaciil iyo Khaalid Maxamed Maxamuud oo la filayay inuu meherkooda ka dhaco maanta hoteel ku yaalla magaalada Hargeysa, sida uu baraha bulshada kusoo qoray Siciid Maxamuud Gahayr oo sheegay inuu ka mid yahay dadka lagu martiqaaday arooska.

“Ma jirin xanuun weyni. Kuma ay dhiman shil. Waa ay nabad iyo caafimaadqabtay. Shalay ayaa lagu booday, waxana la filayay inay ka soo rayso. Saaka waxa guurkii beddelay geeri,” ayaa ka mid ahaa qoraalladiisa.

Wararka laga helay Ilo ku dhow qoyska Marxuumad, Faadumo Cismaan Aadan Dheeg ayaa sheegaya in Faadumo ay u geeriyootay xanuunka dhiig karta oo kusoo booday.

Qabuuro ku yaalla Magaalada Hargeysa ayaa waxaa ka socda qaban-qaabada Aaska Faaduma Cismaan, iyada oo farxadii Arooskeeda isku bedeshay murugo iyo tacsi gashay qoyska iyo Ehelada Marxuumada.

Waxa uu sheegay in saaka uu u labistay si uu uga qayb galo arooska Faadumo iyo Khaalid, balse ay arrintu si kale isu rogtay.