Wararkii ugu dambeeyey howlgal gaar ah oo laga fuliyay Gobolka Shabeellada Dhexe.

JOWHAR-AYAAMAHA-Howlgalkaan oo Ciidanka xoogga dalka , gaar ahaan guutada seddexaad ee qaybta 27aad ee xoogga dalka ay ka sameeyeen  inta u dhaxeyso Degmooyinka Jowhar iyo Balcad, ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha howlgalinta guutada sedexaad ahna ku simaha Taliyaha guutada Gashaanle Ismaaciil Kuulow Xasan {TUURE}.

Hawlgalkaan ayaa Al-Shabaab looga saaray deegaanno hoostaga degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee Gobalka  Shabeelaha Dhexe. waxaa ka mid ah tuulooyinka laga saaray Golaley Daa’uud, Cadayga , Moorajiido ,jedda,  saarsaare, Gumareey iyo waddada isku xirta Jowhar iyo Balcad oo ay ka saareen Ciidamada walxaha qarxa oo ay horay ugu aaseeyn Al-Shabaab.

Taliyaha howlgelinta Ismaaciil Kuuloow Tuure oo ka warbixiyay ujeedka hawlgalka ay sameeyeen ayaa sheegay in uu yahay mid lagula dagaalamayo Al-Shabaab, maadaama shacabka deegaannadaan ay dhibaatooyin kala duwan ku hayeen.

“Illaa laga cirib tiro argagixisada wuu soconn  doonaa dadka ku nool deegaanadaan ayaa cabashooyin fara badan naga soo gaareen, waana u soo gurmanay si aan argagixisada, uga xoreeyno firxad koodi, ayaan daba soconaa meesheey galaan ayaan uga dabategi doonaa, waxaan u sheegeeynaa gaadiidkii, isticmaali jiray wadda,u dhexeeysa Jowhar,iyo Balcad in la marikoro wixii hadda ka danbeeya”.ayuu yiri Taliye Ismaaciil.

Dhanka kale Taliyuhu wuxuu kormeer ku tegay Taliska ururka 19 ee Guutda Sedexaad ee fadhigiisu yahay Qalimow, wuxuuna kula dardaarmay in ay gutaan wajibaadka, kana foogaadaan waxkastoo dhaawacaya Qarannimada.

Wadada xiriirisa Magaalooyinka Jowhar iyo Balcad ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay qaraxyo iyo dagaalo toos ah oo qaarkood lagu dilay, Xildhibaano, mas’uuliyiin, Saraakiil iyo Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya.