Wararkii ugu dambeeyey khasaaro ka dhashay qaraxii Muqdisho iyo Al-Shabaab oo sheegatay.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Qaraxa ka dhacay Muqdisho ayaa ahaa mid khasaaro badan dhaliyay waxaana la xaqiijiyay in 4 Qof ay dhinteen, halka ku dhawaad 10 kalana wey ku dhaawacmeen kadib Markii Qof Xiran Jaakadda Qaraxa uu isku dhex qarxiyay dad ku Shaahayay Maqaayad ku taalla kasoo horjeedka Xero Nacnac Dagmada Wadajir ee Muqdisho Muqdisho.

Qoraal lagu baahiyay Baraha Internet-ka ee ku hadla afka Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in Qaraxaasi ay ka dambeeyeen, ayna khasaaro ku gaarsiiyeen Ciidamada Soomaalida ah ee Turkigu tababaray, waa sida ay hadalka u dhigeene.

Sidoo kale Qaraxa waxaa dhankiisa ka hadlay Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo cambareeyay weerarkaasi.

“Waxaan cambaareynayaa falka wuxuushnimadda ah ee Al-shabaab ay ku dhibaateeyeen shacab aan waxba galabsan oo ku sugnaa goob maqaayad ah. Waxaan Allah (SW) uga baryayaa in uu Janada ka waraabiyo intii ku shahiidday, caafimaad deg-deg ahna siiyo intii ku dhaawacantay. Dowlad iyo shacab, waxaa lagama maarmaan ah inaan u istaagno sidii aan isaga qaban laheyn” ayuu yiri Wasiirka.

Muddooyinkii dambe magaalada caasimada ee Muqdisho waxaa kusii badana qaraxyada ka dhaca Magaalada, kuwaas oo geysta khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.