Kismaayo-Ayaamaha-Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubabda Hoose waxaa Maanta lagu qabtay munaasabad lagu dhaariyay Xildhibaannada Cusub ee Baarlamaanka Jubbaland,kuwaas oo 73 ka mid ah xalay ay ku dhawaaqeen Guddiga doorashooyinka Jubbaland.

Xafladda dhaarinta baarlamanka 2-aad ee dowlad goboleedka Jubaland ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xildhibaanno ka tirsan labada aqal, ee baarlamanka federalka Soomaaliya, odoyaasha dhaqanka Jubaland ee soo xulay xildhibaannada, dhammaan guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Jubaland, ururada bulshada rayidka iyo aqoonyahanada deegaannada Jubaland.

Intaasi kadib Xildhibaannada Cusub ee Baarlamanka Jubbaland ayaa waxaa goobta ku dhaariyay Guddoomiyaha Maxakamadda Sare Ee Jubbaland,sida uu sheegay Xildhibaan Xasan Cabdi oo ka mid ah Golaha Shacabka goobjoogna ka ahaa munaasabada dhaarinta.

Xildhibaannada Cusub ee Baarlamaanka labaad ee Jubbaland ayaa waxaa maalmaha soo socda ay guda geli doonaan doorashada Guddoonkooda iyo doorashada Madaxweynaha Afarta sana ee soo socota Maamuli doona Maamulka Jubbaland.