Muqdisho-Ayaamaha-Qarax khasaaro geystay ayaa maanta waxaa uu ka dhacay deegaanka Tareedisho ee duleedka Magaalada Muqdisho, waxaana qaraxa lala eegtay Ciidamo ka tirsan Militariga Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa Miino lala eegtay Gaari ay wataan Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya,isla markaana uu jiro khasaaro ka dhashay,hayeeshee weli aan la shaacin.

Gaariga la qarxiyay ayaa waxaa la sheegay inuu ka yimid degmada Afgooye ee Gobalka Shabeellada Hoose, iyadoona uu ku soo wajahnaa Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa mudo hakad galay isku socodka dadka iyo Gaadiidka,hayeeshee markii dambe ay dib u furmeen,kadib markii Ciidamada dowladda ay socdaalkoodii sii wateen.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyadda qaraxan maanta ka dhacay deegaanka Tareedisho ee duleedka Muqdisho,kaasi oo lala eegtay kolonyo ka tirsan Ciidamada Xoogga.

Wadada xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxaa inta badan qaraxyo miino lagula eegtaa Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM inta ay ku socdaalayaan wadadaas,iyada oo ay ka dhashaan khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.